Guduudanaha Bisadda boodada dheerle











############################# Video Source: www.youtube.com/watch?v=Upl7ddhg68I

#caracalcat #caracal #cats #wildlife • Guduudanuhu waa mid kamid ah Boqortooyada Xayawaanka, Gaar ahaan bahda Lafdhabarleyda ah. • Sidoo waxuu ka tirsan yahay Bahda balladhan ee Naasleyda, • Guduudanuhu waxaa uu ka mid yahay duurjoogta Hilib-cunka ah, Gaar ahaan jaadka bisaddaha (Falinae). • Kuuwaas oo ay kamid yihiin: Harimacadka, Libaaxa, Shabeelka iyo Bisaddaha dab-joogta ah. • Bahda cilmiga saynisku waxay u yaqaanaan (Caracal Caracal). • Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa Qaaradda Afrika, Bariga dhexe iyo Badhtamaha Qaaradda Aasiya. • Afkeena hooyana waxaynu u naqaan (Guduudane) oo macnaheedu yahay balkii ama bisaddii Casayd maadaama uu midabka guduudku yahay casaan ama dahabi. • Waxa uu leeyahay midab dahabi ah, lugo iyo dhago aad udhaadheer, sidoo kale midabka dhegihiisu waa madaw. • Culayska jidhkiisu waxa uu gaadhaa 12 kiiloo garaam, halka uu dhererkiisuna gaadho 74 sentimitir. • Guduudanuhu wuxuu leeyahay 38 hiddo-side. Cimrigiisu waxa uu gaadhaa 10 ilaa 18 sanno. • Waxa uu leeyahay soddon ilkood, sidkiisuna waxa uu gaadhaa 71 maalmood. • Guduudanaha Lab ayaa ka weyn ta dheddig, waxayna badanaa dhashaa saddex ilmood. • Guduudanuhu waxa uu ku qaangaadhaa 10 ilaa 14 bilood, wuxuuna kamid yahay xayawaanada leh dhiiga diiran. • Sidoo kale waxa uu kamid yahay xayawaanada aadka u dheereeya Kaas oo saacadii jari kara 50 mayl. • Guduudanuhu waxa uu quuta xayawaanada ay kamid ka yihiin: Adhiga, Masaska, Cayayaanka, Bakaylaha, Jiirka, bahda cawsha yaryar iyo nooc kamid ah daanyeerka yar yar. • Sidoo kale waxaa uu ugaadhsadaa shimbiraha dhulka ka sareeya ilaa 3 Fiit , kuwaas oo uu ku qabsan karo hab boodo ah. • Guduudanuhu waxa uu kamid yahay xayawaanada hal calooleyda ah (Monogastric). • Ugu danbayntii Guduudanuhu waxa uu caan Ku yahay xeeladaha kala duwan ee uun adeegsado, • Marka uu doonaayo inuu xayawaan dilo kuwaas oo ay kamid tahay gabashadu. • Badanaa waxa uu wax ugaadhsadaa habeenkii ”Nocturnal”. • Guduudanuhu waxa uu fuula dhirta isagoo badanaa ku nool dhulka geed gaabka ah iyo buuraha. • Guduudanuhu waxa uu biyaha ka maarmi karaa muddo badan isagoo kala soo dhex baxa biyaha xayawaanada uu quuto. • Lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan tirada guduudanaha ee dunida ku nool. • Balse waxaa la isku raacsan inuu aad ugu badan yahay qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxarraha

#############################









Content Report
Youtor.org / Youtor.org Torrents YT video Downloader © 2024

created by www.mixer.tube